Kooxda Chelsea ayaa wadahadal kula jirta Frank Lampard , waxaana ay sheegtay maanta oo Arbaca ah in ay la kordhin doono heshiis-ka uu xidiggan kula joogo kooxda.
Isu duwaha guud ee kooxda Ron Gourlay ayaa laga soo xigtay isagoo leh 34-jirkan meelna ugama socda Chelsea, waxaana u yaboohnay heshiis cusub, maadama uu ku egyahay heshiis-kiisa dhammadka xilli ciyaareedka hadda socda.
Si kastaba, Chelsea ayaa la sheegay in aysan ku qanacsaneen xiddigga reer England qaab ciyaareedka uu soo bandhigay xilli ciyaareedka hadda socda 2012/13.
“Waxaa noo socda wadahadal Frank Lampard. Laakin waa ku kal soonahay in ay wax ka soo baxaan,” Gourlay ayaa u sheegay wargayska The Mirror.
Lampard ayaa la aaminsan yahay in 12-year sanno la joogay kooxda ka dhisan Stamford Bridge, waxaana uu ka mid yahay xidiggaha kooxda qaranka England u matali doona tartanka kubadda cagta adduunka 2014 FIFA World Cup ee ka dhacaya dalka Brazil,
202-gool ayuu dhaliyay intii uu la joogay kooxda Chelsea.