Chelsea oo markii u horeysay taariikhda ku guuleysatay Champions League

Kooxda Chelsea oo ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa markii ugu horeysey ku guuleysatay horyaalka Yurub kadib markii ay rigoorayaal ugaga badisey kooxda Bayern Munich ciyaarti ifinalka ahayd.

Ciyaarta qeybteedii dambe ayaa weeraro ay qaadeen kooxda Bayern Munich waxa ay ku dhaliyeen gool uu u dhaliyey daqiiqadii 86aad Muller. Hase yeeshee shan daqiiqo kadib ayaa uu weeraryahanka ay goolasha ka sugaan kooxda Chelsea Didier Drogba uu gool qurux badan madaxa ku dhaliyey.

90kii daqiiqo ee ugu horeysey waxaa ay heshay kooxda Bayer Munich 16 koorno balse kooxda Chelsea ayaa waxa ay heshay 2 koorno oo midkii labaad ka faa’ideysatay oo gool ka dhigtey, kooxda Bayern ayaa bedeshay weeraryahankii goolka dhaliyey ee Muller iyadoo soo gelisey ciyaaryahan u sita lambarka 5aad van Button oo ka ciyaara daafaca.

Ciyaarta oo ku dhamaatay barbaro ayaa lagu daray 30 daqiiqo waxaana iyadoo lix daqiiqo socotay ay heleen kooxda Bayern rigoore kadib markii uu qalad ku galay Drogba weeraryahanka kooxda Bayern ee Ribery, hase yeeshee Robben oo u laaday kooxdiisa rigooraha ayaa waxaa ka badbaadiyey goolhaye Peter Cech, Kooxda Bayern ayaa waxaa ay bedeshay Ribery kadib markii uu dhaawacmay.

Kooxda Bayern ayaa weerarkii ay lahaayeen qeybtii hore uu hoos u dhac ku yimid kadib markii ay bedeleen labo kamid ah weeraryahanada ugu wanaagsanaa ciyaarta. Hase yeeshee weeraro xoogan ayay bilowday kooxda Bayern qeybtii dambe ee saacadihii dheeriga ahaa waxaan alabo fursadood oo soo maray ka badbaadiyey daafaca Chelsea.

Ciyaarta waxa ay ku dhamaatay barbaro 1-1 ah waxaana ay noqotay rigoorayaal in lagu kala baxo, sanadkii 2008dii kooxda Man United markaa oo Chelsea loogaga guuleystey rigoorayaal.

Hase yeeshee rigoorayaashii la dhigey ayaa waxaa labo kamid ah kooxda Bayern Munich ka qasaariyey labo ciyaaryahan oo kala ah Schweinsteiger iyo Olic halka hal gool oo kaliya Mata laga qabtay sidaa ayayna 4-3 ku badisey kooxda Chelsea.

Chelsea ayaa goolkoodii ugu dambeeyey waxaa u laaday Drogba isagoo shabaqa ku hubsaday sidaana waxa ay ku noqotay kooxda Chelsea horyaalk Yurub ee sanadkan, waxayna noqotay guul taariiqi ah maadaama ay tahay markii ugu horeysey ee ay kooxda Chelsea ku guuleysato koobkan.
Koobka ayaa waxaa si wadajir ah u gudoomay John Terry iyo Frank Lampard iyadoo fantasiyo iyo fatxad ay ka bilaabatay magaalada London iyo magaalada Munich.

Guushan ay gaartay Chelsea ayaa waxa ay ka dhigtey in ay si toos ah ugu soo baxdo xilli ciyaareedka soo socda ee horyaalka Ingiriiska.