Chelsea oo loolan kula jirta Barcelona iyo Real Madrid goolhaye Courtois

Kooxda Chelsea ayaa ku howlan siddii ay ula soo wareegi lahgayd goolhaye Thibaut Courtois xilli ciyaareedka soo socda.

Wargayska The Sunday Mirror ayaa sheegay in kooxda Chelsea ku raadineyso cayaaryahanka qaab amaah ah, waxana kula jirta Atletico Madrid iyo Barcelona laakin Chelsea waxa ay lee dahay dedaal kasta waan galin doonaa, si 20-jirkan uu keyd u noqdo goolhayaha koobaad ee Ingiriiska Petr Cech.

Naadiga ayaa sheegtay in ay ku rajo wayntahay la soo wareegitaanka cayaaryahankan, maxaa yeelay cayaaryahanka ayaa damac ka leh in uu yimaado garoonka kooxda  Chelsea.

Xilli cayaareedka soo socda kooxda Chelsea, waxa ay isticmaali doontaa labo goolhaye oo kuwaasoo booska koobaad ka cayaari doona sida Cech – Ross Turnbull iyo xiddigga reer Portuguese ee Hilario.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here