Chelsea oo la wareegtay hoggaanka

Chelsea oo la wareegtay hoggaanka
Chelsea oo la wareegtay hoggaanka

Kooxda Chelsea ayaa la wareegtay hoggaanka kaddib markii 3 iyo 0 ay uga adkaadeen Stoke City, cayaar ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Naadiga Blues-ka ayaa si fudud uga soo gudubtay uga taqalustay Stoke waxaana goolasha u kala dhaliyay Mohamed Salah, Frank Lampard iyo Willian.

Kooxda uu macallinka u yahay Jose Mourinho ayaa hoggaanka horyaalka Premier League la wareegtay balse waa 24-saac uun.

Jose Mourinho ayaa guul-darro kala kulantay 1-0 kooxda ugu hooseeya horyaalka ee Crystal Palace toddobaadkii horre kaddib markii 3 iyo 1 ay uga adkaatay Paris Saint-Germain toddobaadkii horre Champions League.

Kulamada kale ee horyaalka ee dhacay galabta iyo caawa waxaa ka mid ah-

Manchester City     4 – 1     Southampton
Aston Villa     1 – 2     Fulham
Cardiff City     0 – 3     Crystal Palace
Hull City     1 – 0     Swansea City
Newcastle United     0 – 4     Manchester United
Norwich City     0 – 1     West Bromwich Albion

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here