Chelsea oo ku kalsoon Mourinho in uu soo laabto

Maamulaha kooxda Chelsea ayaa sheegay in ay kalsooni badan ku qabaan in uu kooxda dib ugu soo laabto macalinkii hore ee reer Portugal Jose Mourinho, kaasoo ka immaanaya kooxda Real Madrid dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Sida uu qoray maanta oo Sabti ah wargayska The London Evening Standard kooxda the Blues ayaa si wayn u baadi goobeysa macalinka loogu yeero the Special One, oo markii labaad ku soo wajahan dalka Ingiriiska.

Sidoo kale macalin Mourinho waxa doonaya kooxaha Faransiiska iyo Ingiriiska ka dhisan ee kala ah Paris St-Germain iyo Manchester City , sidaas oo ay tahay wariyaasha ciyaaraha ka faalooda waxa ay lee yihiin waxaa macquul ah in kooxda Chelsea ay lacagta dhinaceeda ay ku ciisho labadan kooxd.

Milkiilaha kooxda ee Ruushka u dhashay Roman Abramovich waa nin aad u neceb guul darada waxaana uu hadda oonaha bal in uu Mourinho markale keeno garoonka Stamford Bridge.

Haddii uu la soo wareego waxa uu arkaa in kooxda markale magacii iyo sumcadii ay ku lahayd dunida uu soo noqonayo.

Dhinaca kale, kooxda Chelsea ayaa la sheegayaa in ay iska fasixi doonto macalinka hadda kooxda lee linaya Rafa Benitez kaddib markii uu ku guul dareestay in kooxda uu guulo ay soo hoyso intii uu joogay.

Wargayska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska wuxuu lee yahay  Roman Abramovich kuama qanacsana Benitez shaqada uu hadda ka hayo Chelsea’, waxaana la fisixi doonaa Sabtida maanta marka kooxda ay la ciyaarto horiyaalka West Bromwich.

Marka Abramovich uu fasaxo Benitez wuxuu u yeeri doonaa isu duwaha kooxda Chelsea Ron Gourlay si bal uu sii wado tababarka kooxda illaa khamiista oo xal la gaari doono.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here