Chelsea oo ku guuleysatay koobka FA Cup

Kooxda Chelsea ayaa ku guuleystay tartanka caanka ah ee FA Cup kadib marki ay 2-1 kaga awood roonaatay naadiga faca weyn ee Liferpool ciyaarti kama danbeysta aheyd oo ka dhacday garoonka Wembley.

Gool dhaliyaha Chelsea Didier Drogba ayaa mar kale ahaa bartilmaameed, isaga oo u dhaliyey goolka guusha bilowgi hore ee qeeybta danbe ciyaarta, waxa ay aheyd goolkiisii afraad ee uu ku dhaliyo garoonka Wembley.

Guusha Chelsea waxa lagu xasuusan doonaa tababaraha KMG ah ee u dhashay dalka Talyaaniga Roberto di Matteo kaasi oo kooxda kasoo qaaday meel hoose kadibna u qaaday koobkaan qaaliga ah.

Chelsea goolka hore waxaa siiyey Ramires kadib marki uu ka faa,ideystay qalad uu sameeyey gool ilaaliyaha Liverpool Pepe Reina daqiiqadii 11-aad, goolka labaadna waxaa ugu daray Drogba, laakin Liverool waxaa rajo geliyey Andy Carroll oo badal kusoo galay kaasi oo gool u dhaliyey, mid kalana waa laga diiday dhamaadki ciyaarta marki garsooraha iyo calan wadaha dhaheen waa qalad.

Chelsea oo soo noolaatay waxay haatan taagantahay sidoo kale finalka koobka Champions League oo ay 19-ka bishaan kula ciyaari doonto magaalad Munich ee dalka Jarmalka kooxda Bayern Munich.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.