Chelsea oo ku dhow in ay la wareegto Costa

 

Chelsea oo ku dhow in ay la wareegto Costa
Chelsea oo ku dhow in ay la wareegto Costa

Kooxda Chelsea ayaa ku dhow in la soo wareegto xiddigga Atletico Madrid ee Diego Costa.

Naadiga London ka dhisan ayaa diyaar la’ ah €42.5 million si ay u hesho Costa’ oo kooxdiisa ay hadda joogto wareega seddaxaad ee horyaalka Yurub Champions League.

Chelsea ayaa u aragtay Costa xiddig muhiim u ah kooxda.

Kooxda heesata koobka Europa League ayaa dooneysa in ay u kordhiso mushaarka ay siiso Costa waxaana toddobaadkii uu ka qaadan doonaa kooxda ka dhisan garoonka Vicente Calderon ilaa €61,000.

Macallinka Atletico, Diego Simeone ayaa si cad u xaqiijiyay Costa in uu codsaday in la fasaxo isagoona ku wajahan kooxda Chelsea maadama lacago badan ay lee dahay.

“Wax kasta waxa ay ku xirantay damaca Costa ee ku aadan musataqbalkiisa,” Simeone ayaa u sheegay AS.

Costa ayaa noqday xiddig si weyn u soo baxay xilli cayaareedkan maadama uu door ku lahaa kooxdiisa in ay u soo baxdo waareega semi-fiinalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here