Chelsea oo indhaha ku heysa weerrar yahanka kooxda Corinthians Paulo Guerrero

Kooxda Ingiriiska ee Chelsea ayaa indhaha ku heysa weerrar yahanka kooxda waddanka Brazil  Corinthians ee Paulo Guerrero.

Wargeyka The Daily Star ayaa sheegay in Chelsea ay diyaar la tahay siddii ay u bixin lahayd adduun lacageed oo gaaraya illaa in ka badan  £30-milyan haddii ay la soo wareegayso bisha soo socota Guerrero .

Kooxda The Blues ayaa la furtay wadahadalo 28-jirkan ee reer  Peruvian, kaasoo dhaliyay goolashii ugu badnaa ee koobkii naadiyadda Adduunka ee Club World Cup .

Laakin kooxda Brazil waa ay diidan tahay in ciyaaryahanka laga bixiyo lacag aad u yer, maxaa yeelay waxa kaloo tartanka ku jira kooxaha  Atletico Madrid, Juventus iyo Fiorentina oo iyana raba.

Guerrero wuxuu kaliye qiimo ahaan ugu fadhiyaa kooxda uu hadda la joogo ee Corinthians £3milyan, markii uu ku soo biiraayay, waxana uu ka yimid kooxda ka dhisan Germalka ee Hamburg bishii July markii uu waqti xun ku soo qaaday kooxda  Bayern Munich.

Kooxda Chelsea ayaa xidiggan ku soo aragtay markii ay joogtay waddanka Japan, markaas oo ay ka dhacday ciyaaraha uu soo bandhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here