Chelsea oo guuldaro ku riday Bercalona.

Kooxda Chelsea ayaa fursad lama filaan ah ka heshay Bercalona kadib markii Didier Drogba shabaqa ku hubsaday goolka ay Chelsea kaga guuleysatay Barca wareega simefinalka Champions Leugue.

Barcelona oo marti ku aheyd garoonka Stamford Bridge ayaa guul daro kula noqotay gurigeeda, waxayna sugeysaa lugta labaad ee is araga Semefinalka, inkastoo ay heleen fursado ay beer dareeyeen.

Alexis Sanches ayaa cunay kubad difaaca Chelsea A. Cole u maleeyay offside, laakiin Sanchez wuu dadaalay inkastoo kubadii uu laaday birta soo celisay, taasoo loo maleeyay iney dhalatay.sidoo kale kubad qurux badan waxaa cunay Fabregas markii uu lugta la waayay kubad uu ka qaatay goolhayaha Chelsea.

Peter Cech goolhayaha Chelsea oo caawa u muuqday mid lala balamay in kubada Barca aysan dhaafin shabaqa ayaa suurageliyay in uu bannaanka dhigo dhowr shuud oo lagu soo gamay.

Todobaadka danbe ayey mar kale kulmi doonaan, waxaana laga doonayaa Barca in ay la timaado ugu yaraan 2-0 gool oo ay ku hubsan doonto in ay u soo baxdo finalka.

Macallinka Chelsea Robereto Di Matteo ayaa ka dhabeeyay hadalkiisa ahaa in kooxdiisa ay u baahan tahay iney ciyaaraan labo kulan oo adag hadii aan u baahanahay buu yiri inaan banaanka isa soo dhigno, hadii finalka tallaadada u soo baxaana waxay noqoneysaa markii labaad oo uu Chelsea soo baxdo tan iyo markii uu u yimid.

1 COMMENT

  1. Wankafilanayay chelsea inaykarayn doonto barca kadib markukatagay macalinka hore eelagafijiyay koxda hada waxan sugaya guulkale dherad ah maxayelay robet mateo wa ninyaqan ona qibrad ule habciyaredkasta tan iyo itiuyimid m/mateo chelsea guldaro lama kulmin. {by kabiinayaye12}

Comments are closed.