Chelsea oo gaartay finalka koobka FA

Chelsea ayaa gaartay finalka koobka FA ee dalka Ingiriiska kadib marki ay 5-1 ku xaaqday kooxda Tottenham, iyada oo haatan ku aaday kooxda Liverpool oo ay isugu soo hareen.

Ciyaarta oo inta aysan bilaaban hal daqiiqo loo aamusay geeridi ku timid laacibki kooxda Livrono Piermario Morosini, kaasi oo dhintay isaga oo ciyaarayey kulan ka tirsanaa horyaalka Seria B-da Talyaaniga, ayaa waxaa hareysay muran ka dhashay goolki koowaad ee Chelsea.

Murankaasi ayaa yimid marki kubad uu soo laaday Juan Mata ay difaaceen Ledley King iyo Benoit Assou-Ekotto uu garsooruhu u ansixiyey Juan Mata oo kubada soo tuuray, waxaana taasi ay keentay is qab qabsi iyo muran xoog leh.

Hase yeeshee garsoore  Martin Atkinson ayaa ku adkeystay in ay gool tahay, waxaana muuqaalka TV-yada laga daawanayey ay kusoo cel celiyeen goolka oo ahaa mid qalad ahaa maxaa yeelay diilinta cad ee gool muusan dhaafin.

Tani waxay keentay in maanta war kasoo baxay FIFA lagu sheegay in barnaamijka loo yaqaano goalline technology oo ah qalab sheegaya in kubada ay goolka dhaaftay iyo in kale sida ugu dhaqsaha badan loo tijaabin doono.

Fifa waxay leedahay barnaamijkaasi waxa tijaabadiisa ay bilaaban doontaa 2-da bisha July ee sanadkaan.

Si kastaba goolka qaldanaa ee Chelsea lagu abaal mariyey wuxuu keenay in niyada ka jabaan xidigaha Tottenham, waxaana xigay goolal kale oo ku fatahay shabaqa Spurs kuwaasi oo ay kala dhaliyeen Ramires, Frank Lampard and Florent Malouda, goolka qura ee Tottenham waxaa saxiixay Gareth Bale.

Chelsea guushaan waxay gaartay xilli ay isu diyaarineyso lugta koowaad ee wareega semi-finalka koobka kooxaha Horyaalada Yurub oo ay Arbacada soo aadan ku marti gelin doonto garoonka Stamford Bridge naadiga Barcelona.

Finalka koobka FA-ga waxa uu ka dhici doonaa garoonka Wembley ee magaalada London 5-ta bisha May waxaana isku haleeli doona kooxaha Chelsea iyo Liverpool.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.