Chelsea oo gaartay finalka koobka Champions League

Kooxda Chelsea ayaa gaartay finalka koobka Champions League kadib marki ay bar bar dhac 2-2 ah xalay kula gashay gurigeeda naadiga Barcelona lugti labaad ee wareega sem-finalka.

Isu geynta labada lug ee ay ciyaareen ayey Chelsea ugu soo baxday 3-2 taasi oo ah natiijo aad u wanaagsan, iyadoo guusha ay gaartayna lagu tilmaamay mid aysan hal maami doonin, sababtoo ah waxay ku ciyaareysay 10 ciyaaryahan inta badan kulanka oo ka dhacay magaalada Barcelolna ee dalka Spain kadib marki roose la siiyey kabtanka kooxda John Terry.

Kooxda Blues ee Chelsea xaalad qatar ah ayey gashay marki laba gool ay ka dhaliyeen Sergio Busquets iyo Andres Iniesta marki kaarka cas la siiyey Terry, laakin Ramires  ayaa gool rajo soo celin ah siiyey Chelsea.

Xidiga sare ee Barcelona Lionel Messi ayaa rigoore loo dhigay Barcelona ka qasaariyey kadib marki uu ku dhiftay alwaaxa sare ee goolka, Chelsea iyada oo rajo fiican ka leh hadii ay ciyaarta ku dhamaato 2-1 oo ay ku hogaamineyso Barcelona ayey heshay gool qaali ahaa oo ay ku bareejeysay daqiiqadi ugu danbeysay ee ciyaarta.

Goolkaasi oo uu meel cidla ah ka helay Fernando Torres oo badal kusoo galay ayuu inta uu la orday kadibna maray goolhayaha Barcelona ku hubsaday shabaqa.

Todobaadkan Torres oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in koox kasta oo wanaagsan mar un laga badiyo hadalkaasina wuu ka dhabeeyey oo way ka badiyeen, waxaana ay Chelsea haatan ka ciyaari doontaa finalka 19-ka May lagu qaban doono magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Chelsea waxay sugeysaa mid ka mid ah kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich oo caawa isku haleeli doona magaalada Madrid.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. Waxankufaraxsanahay gusha aygartay koxda blues wanakafilayay ineygari dondto herka ayhada ayhada jogto xidigalagu magacabo farnanda torres olagu soibiyay lacag adufara badan haduna gushas camal usan soho yindyn maxaloga sobixiyay lacak tassi adka ufaraha badan wanakafilayay ciyar yahanka rer barazil eelagu magacabo REMREIS WAXANAsugayaa midki sobaxa labada koxod eekulmaya cawa okhamis ah waxanafilaya ine igu so adidonto koxda bayar munich by kabiina/blues/chelsea

Comments are closed.