Chelsea oo fasaxeyso Salomon Kalou iyo Jose Bosingwa

Kooxda Chelsea ayaa lagu wadaa in ay sii deyso labada laacib ee kala ah Salomon Kalou iyo Jose Bosingwa kuwaas oo uu ka dhacayo qandaraaska marka la gaaro xagaaga June.

Kooxda ayaa goor danbe oo maanta oo Khamiis ah shaacin doonto ciyaartooyda u hari doona, waxaana la rajeynayaa in labada ciyaaryahan ee aan kor kusoo sheegnay ay ka maqnaadaan liiska kooxda sidoo kale Didier Drogba ayaa isna laga saarayaa liiska.

Drogba mar hore ayuu ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda isaga oo kusii jeeda koox ka dhisan dalka China.

Bosingwa heshiiskiisa wuxuu dhacayaa June, hase yeeshee waxa uu heystaa hal sano oo uu dooq ahaan heshiiska ugu dari karo ama hadii uu doonana ka tagi karo, laakin kooxda ka dhisan garoonka Stamford Bridge ayaa taladii ku deysatay in ay fasaxdo.

Kalou, oo isaguna kasoo jeedo dalka  Ivory Coast sida Drogba, ayey warbaahinta Ingiriiska sheegeysaa in lasoo gaaray gaba gabada waayihiisii Chelsea, kadib shan sano oo uu ka tirsanaa, waxa uu kaga soo biiray naadiga Buluuga ah kooxda reer Holland ee Feyenoord sanadki 2006 markaas oo ay ku heshay lacag dhan £8m.

26-jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa u saftay kooxda  250 kulan oo uu ku jiray kulanki ugu danbeeyey ee finalka Champions League oo ay Chelsea rigoorayaal uga qaaday naadiga Bayern Munich, waxaana mudadi uu la joogay u dhaliyey 60 gool.

Bosingwa, oo ah 29 jir u dhashay dalka Portugal waxa uu kooxda yimid sanadki 2008 markaas oo uu soo raacay macalinki hore ee Chelsea Luiz Felipe Scolari kaas oo Chelsea loo magacaabay marki uu dhamaaday koobkii Qaramada Yurub ee 2008, Scolari xiligaasi wuxuu kasoo tagay xulka Portugal oo kusoo dhacay in ay gaaraan finalka koobka Euro 2008.

Bosinga waxa uu Chelsea kaga soo wareegay kooxda Porto oo ku iibsatay £16.2m, wuxuu u saftay 127 afarti sano oo uu kooxda la joogay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.