Chelsea Oo Faro Cidiyo Leh Uga Baxsatay Guuldarro Kulankii Xalay ee Tottenham.

Ciyaaryahanka loo haysto dacwad ka dhan ah isirka ee John Terry ayaa ka badbaadiyey guuldarro daqiiqadihii ugu dambeeyey kulan xalay ay wada yeesheen kooxda Chelsea iyo Tottenham kadib markii kubbad uu islahaa weeraryahanka Spurs ee Adebayor waa kuu dhalatay uu ka badbaadiyey.

Terry ayaa kala kulmay kulankan qeylo iyo sawaxan ay kaga horyimaadeen taageerayaasha kooxda ka dhisan magaalada London ee Tottenham.

Tottenham ayaa hogaanka ciyaarta qabatay kadib markii uu weeraryahanka   Adebayor uu dhaliyey gool qurux badan isagoo ka helay baas saaxibkiis  G Bale.

Hase yeeshee dadaal kadib ayaa isla qeybta koowaad ee ciyaarta kooxda Chelsea waxaa u suurtogashay inay hesho  goolka barbaraha waxaana u dhaliyey Daniel Sturridge kadib markii daqiiqadii 23aad uu baas ka helay Ashley Cole.

Hase yeeshee Chelsea ayaa labo kamid ah laacibiinteeda  Ivanovic iyo Obi Mikel waxaa ay dhaawacmeen qeybtii hore ee ciyaarta

Man City ayaa weli hogaanka  44 dhibcood ay ku hogaaminaysa halka kooxda uu xafiiltanka kala dhexeeya hadana ay ku wada jiraan kooxaha ka soo haray Championka ee Man United ay leedahay 42dhibcood hase yeeshee kooxda Tottenham ayaa waxa ay leedahay 35 dhibcood balse weli gacanta ugu jira hal kulan oo u baaqday. Halka  kooxda Chelsea ay ka leedahay 33 dhibcood.

Kooxda Tottenham ayaa ku dhamaysanaysa sanadkan kaalinta 3aad markii ugu horeysey tan iyo sanadkii 1984kii.