Chelsea oo dooneyso inay isku hubeyso Theo Walcott

Kadib marki ay xalay kala soo laabatay guuldaro aad u qaraar garoonka San Pauolo ee magaalada Napoli ayey kooxda Chelsea dooneysaa in ay iska dhisto xaga weerarka.

Sida uu daabacay maanta wargeyska The Sun kooxda Chelsea ayaa xooga saari doonto sidi ay ku heli laheyd laacibka garabka uga ciyaara naadiga Arsenal ninka lagu magacaabo Theo Walcott.

Tani waxay ka danbeysay marki xalay ay 3-1 faraqa ugu soo riday naadiga Napoli is araga hore ee wareega 16-ka koobka kooxaha horyaalada Yurub ee loo yaqaano Uefa Champions League.

Walcott oo ah 22 jir u dhashay dalka Ingiriiska ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in ay Arsenal diyaar noqon doonto hadii ay heleyso badalkiisa weeraryahanka Chelsea ninka lagu magacaabo Daniel Sturridge.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.