Chelsea oo dhameystirtay saxiixa Harazrd

Kooxda Chelsea ayaa dhameystirtay heshiis ay la gaartay laacibka qadka dhexe ee kooxda Lille  Eden Hazard.

21 jirkaan u dhashay dalka Belgium ayaa dhawaan si shaqsiyan ah u ogolaaday inuu Chelsea aadayo, waxaana uu maanta maray tijaabada caafimaadka sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada London.

Hazard ayaa ka hadlay kala doorashada uu ku sameeyey kooxihi aadka u raadinayey kuwaasi oo ay ugu cad cadaayeen Chelsea iyo Manchester United, wuxuu tilmaamay in uu Chelsea ka doorbiday United sababtoo ah mashruuca Chelsea oo qanciyey.

Waxaa la leeyahay Chelsea waxay ku gadatay lacag dhan £32m waxaana lagu wadaa in ay sanadkan lasoo shartagto marka ay dib u bilowdaan tartamada naadiyada.

Hazard ayaa kula guuleystay kooxdiisa Lille horyaalka iyo koobka France xilli ciyaareedki 2010-11, xilli ciyaareedki lasoodhayna wuxuu u dhaliyey 21 gool 48 kulan oo uu saftay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.