Chelsea, Barcelona, Bayern iyo Real oo isugu soo haray semi-finalka Champions League

Waxaa xalay lasoo gaba gabeeyey wareega sideeda ee koobka kooxaha horyaalada Yurub, iyadoo kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ay noqdeen kooxihi ugu danbeeyey ee soo gudba.

Kooxda Chelsea ayaa wajahi doonto Barcelona marki ay xalay gaartay semi-finalkoodi lixaad mudo sagaal sana ah, marki ay xalay 2-1 ku garaacday kooxda Benfica ee dalka Portugal ciyaar ka dhacday Stamford Bridge.

Rigooradi kaambiyadi koowaad ee Frank Lampard ayaa wadada usii xaartay guushi Chelsea, iyadoo lugti koowaad oo todobaadki hore ka dhacday Lisbon’s Stadium ay Chelsea kusoo badisay 1-0.

Laakin Chelsea ayaa kasoo noolaatay madax jab iyo culeys soo koray shanti daqiiqo ee ugu danbeysay marki daqiiqadi 85-aad uu gool ka dhaliyey Javi Garcia, laakin waxaa quusiyey laacibka badalka lagu soo geliyey Raul Meireles oo gool u dhaliyey kooxdiisa daqiiqadihi ugu danbeeyey.

Guusha Chelsea waxay abuurtay in ay mar kale isku dhacaan kooxda Barcelona oo sanadki 2009 sidaan oo kale inta isugu soo aadeen ay Barcelona ku badisay gool uu dhamaadki ciyaarta saxiixay Andres Iniesta taasi oo dhalisay muran iyo buuq, xiligaasi Barcelona waxya qaaday koobka kadib marki ay ku garaacday magaalada Roma kooxda Manchester United.

Dhanka kalana kooxda Real Madrid ayaa si xaraga leh u dhaaftay naadiga Apoel oo ay ku xaaqday 5-2, taasi oo jidka u xaartay in Real ay semi-finalka la ciyaarto kooxda marti gelin doonto finalka tartankan ee Bayern Munich.

Real oo xalay marti loo ahaa ayaa lugti hore ee kulankan kusoo badisay 3-0, marka shaqo badan loogama baahneyn, waxaase hogaanka ciyaarta siiyey Cristiano Ronaldo ka hor inta uusan goolka labaad saxiixin Kaka.

Apoel gool ay kasoo shaqeysay ay heshay kaasi oo uu u dhaliyey Gustavo Manduca, laakin waxaa gool sadxaad keensaday Ronaldo oo ku dhaliyey laadka xorta ah ciyaartuna ka dhigay 3-1.

Jose Callejon ayaa ku daray goolka afraad ee Real galinki labaad ee ciyaarta, balse gool labaad ayey la timid Apoel oo uu rigoore ku dhaliyey Esteban Solari, laakin bandhiga goolasha waxaa soo qatimay Angel di Maria oo ciyaarta ka dhigay 5-2, sidaasi ayey Real Madird ku badisay iyadoo isu geynta labada is arag ay ku badisay 8-2.

Waa marki ugu horeysay oo ay Real Madrid soo gaarto wareegaan tan iyo sanadki 2003, markaas oo ay reebtay kooxda Juventus.

Real Madrid iyo Bayern Munich waxya horay isugu soo arkeen tartankaan 10 jeer.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.