Chelsea 3 -3 Manchester United

Kooxda Manchester United ayaa si layaab leh uga daba tagtay kooxda Chelsea kadib kulan ay shalay ku ciyaareen garoonka  Stamford Bridge kooxda Chelsea taasi oo ku dhamaatay bar bar dhac 3-3 ah.

kooxda macalin Sir Alex Ferguson ayaa waxaa uu baadigoobayey guul uu ka keeno guriga Chelsea oo aysan kusoo badinin mudo ka badan 10 sano, hase yeeshee qeybti hore iayaga ayaaba lakala dhumiyey oo waxaa ku gacan sareysay Chelsea.

Chelsea waxay hogaanka ku qabatay gool uu iska dhaliyey daafacooda Jonny Evans ka hor inta uusan gool layaab leh ka dhalinin ciyaaryahan Juan Mata daqiiqadii 24-aad, qeybti labaad ee ciyaartana waxaa gool madax ah ka dhaliyey United ciyaaryahan David Luiz.

Iyada oo Chelsea guusha is laheysiisay ayey Manchester United heshay laba rigoore oo uu ku abaal mariyey goolhaye Howard Webb – labaduba waxaa ku qaloociyey shabaqa Wayne Rooney – halka goolka bar baraha uu madaxa la helay Javier Hernande ciyaarta oo ay ka dhineyd lix mirir.

Laakin waxaa xusid mudan in goolhayaha Manchester United David de Gea uu ka badbaadiyey goolal la filan karay laacibiinta Chelsea, waxa ugu darnaa bilisyoone uu ka badbaadiyey Mata ilbiriqsigi ugu danbeeyey ee ciyaarta.

Bar baraha ay gashay United waxa micnaheedu noqonayaa in ay laba buundo hoos uga dhacday hogaamiyaasha horyaalka ee Manchester City oo Sabtidi 3-0 ku badisay.

Ciyaar kale oo ka tirsaneyd horyaalka Ingiriiska waxa ay dhexmartay Newcastle iyo Aston Villa, waxaa 2-1 ku adkaatay Newcastle.

Maantana waxaa balansan Liverpool iyo Tottenham.