Chavez oo maleynayo in Mareykanka uu ku faafinayo Latin America cudurka kansar ee hada ku wada dhacay madaxda qaaradaasi

Madaxweynaha dalka Venezuela Hugo Chavez ayaa sheegay inuu aad uga shakisanyahay in Mareykanka uu ka danbeeyo xanuunka Kansarka oo inta badan ku wada dhacay hada hogaamiyaasha Qaarada Laatin America.

Cudurkaan ayaa si gaar ah u taabtay hogaamiyaasha ku mideysan afkaarta garabka bidxeed ee Latin America oo ay ugu danbesay madaxweynaha dalka Argentine Cristina Fernandez de Kirchner.

Madaxweynahan laga daweeyey Kansarka sanadkaan Mr Chavez ayaa isaga oo la hadlayey miltariga dalkiisa waxyar kadib marki la shaaciyey inuu Kansar ku dhacayey madaxweynaha dalka Argentina ayaa sheegay in uu u maleynayo in cudurka uu ku shirqoolayo Mareykanka madaxda qaarada.

Xanuunkaan ayaa waxaa sidoo kale horay u haleelay madaxweynayaasha kala ah Fernando Lugo ee Paraguay, Dilma Rousseff oo Brazil ah iyo ninki iyada xakunka uga horeeyey  Lula da Silva.

Mr Chavez ayaa yiri: “Tani waa wax gariib ah oo iga yaabisay laakin waa in aan si hoose uga fakarnaa ka hor inta aanan ku dag dagin eedeynta, balse ogaada hadi Mareykanku ay tiknoologi ahaan hor mariyaan faafinta xanuunkaan yaa ogaan kara?,”.

Mr Chavez ayaa soo hadal qaaday dhacdadi 1940-ki ay saynisyahanada dalka mareykanka ku beereen maxaabiis u dhalatay dalka Guatemala cudurka Isfiilitada iyo xanuuno kale taasi oo la ogaaday sanadki aanu kasoo gudubnay.

Hogaamiyaahan sida aadka ah u neceb dalka Mareykanka ayaa ku kaftamay in hada loo baahanyahay in si weyn looga ilaaliyo in xanuunkaan uu gaaro madaxweynayaasha gobolka ee ka fayoow ee kala ah hogaamiyaasha Bolivia iyo Ecuador – Evo Morales iyo Rafael Correa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.