Charles Taylor oo lagu xakumay 50 sano oo xarig ah

Madaxweynihi hore ee dalka Liberia Charles Taylor ayaa lagu xakumay 50 sanadood oo xarig ah, kadib marki ay danbiyo ka dhan ah aadanaha ku heshay maxkamada danbiyada dagaalka ee caalamiga ah.

Bishi hore ayaa Taylor lagu helay danbiyo la xiriira inuu gacan siiyey jabhadi ka dagaalami jirtay dalka deriska la ah Liberia ee Sierra Leone mudadi ay socdeen dagaaladi sokeeyey ee dalkaasi ka dhacay inti u dhaxeysay 1991-2002.

Mr. Taylor oo 64 jir ayaa ku adkeystay inuusan wax danbi ah laheyn, waxaana la rajeynayaa inuu racfaan ka qaado xabsigan lagu xakumay, wariyaasha ku sugnaa magaalada Haugue ayaa soo sheegaya in ay u furantahay ninkani inuu racfaan ka qaato xakunka mudo lix bilood gudahood ah.

Xaakinki maxkamada Richard Lussick ayaa sheegay in danbiyadi ka dhacay Sierra Leone ay ahaayeen kuwi ugu xumaa ee xaga bani,aadanimada ah oo tariikhda la hayo.

Wuxuu noqday qofki ugu horeeyey oo xilka madaxweynaha soo qabtay oo ay maxkamada caalamiga ah ee danbiyada dagaalka xakun ku rido tan iyo maxkamadeyntii magaalada Nuremburg  ee Naziga kadib dagaalki labaad ee aduunka.

Inti ay socdeen dagaaladi sokeeye ee Sierra Leone, Taylor wuxuu taageeray jabhadii RUF oo la rumeysanyahay in ay dishay tobanaan kun oo rayid ah kuwaasi oo qaarkood xubnahooda mid mid loo jar jaray.

Danbiyadaasi waxa ka mid ah, dil, kufsi, caruur la askareeyey iyo in dad laga jaray gacmaha iyo lugaha.

Taylor ayaa lagu eedeeyey inuu hub siin jiray kooxdaasi, taasi badalkeedana uu kasoo qaadan jiray deyman iyadoo marki danbana loo bixiyey dhemankaasi (Dheymankii dhiiga).

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.