C/fatax Xasan Afrax: Khatarta kaliyah ee gobolka waa Shabab

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan C/fatah Xasan Afrax ayaa mari ugu horeysay ka hadlay xaalada gobolka iyo waxyaabaha uu xooga saari doono.

Hadal uu ka jeediyey munaasabadi lagu magacaabay maanta oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in waxa horyaala ay tahay sugida amaanka iyo isku balaarinta degmooyinka kale ee gobolka.

Mr Afrax ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan ay u qaban doonaan degmooyinka kale ee gobolka Hiiraan sida Buula Barde, Buqda Aqable iyo Maxaas oo ay heystaan Al Shabaab, isaga oo intaasi ku daray qatarta kaliyah ee heysata gobolka in ay tahay Al Shabaab.

Maamul la,aanta heysatay gobolka ayuu ku sheegay caqabadi ugu weyneyd ee ku hor gudbaneyd amaanka guud ee gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay maamulka cusub ee gobolka Hiiraan oo si KMG ah u shaqeyn doono mudo sadex bil ah.

Sidoo kale wareegtadaasi ayaa lagu magacaabay duqa magaalada Baladweyne oo laga dhigay Sheekh Cismaan Barre.

Gobolka Hiiraan ayaa waxa dega qabiilo badan kuwaasi oo uu ka dhaxeeyo xafiiltan dhinaca siyaasada ah, waxaaana sugaya maamulka cusub howlo adag oo uu ugu horeeyo amaanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.