C/fataax Xasan Afrax: Hiiraan kama jiro wax la yiraahdo Ahlu Sunna

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax ayaa si kulul uga hadlay warar sheegaya in Ahlu Sunna ay ku lug leedahay maamulada ka jira gobolkaasi.

Tan iyo marki ay ciidamada Itoobiya soo galeen Baladweyne maalinti ugu horeysay ee sanadkaan 2012, waxaa iyana qeyb ka ahaa ciidamadi la safnaa maleeshiyaadka Ahlu Sunna kuwaasi oo uu hogaamiyo Adan Cabdulle Cawaale oo ay Ahlu Sunna u magacawday gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

Hase yeeshee waxaa arrintaasi haatan gaashaanka u daruuray oo wax aanan jirinna kasoo qaaday gudoomiye C/fataax Xasan Afrax oo ay dowlada KMG u magacwday bishi March ee sanadkaan.

“Ahlu Sunna waa urur, uruna Soomaaliya kama shaqeeyo ama meel uu heysto ma lahan, waxay ka mid yihiin ururada aanan dowliga aheyn, laakin Hiiraan waxaa ka shaqeeya maamulka dowlada KMG Soomaaliya anagana shaqo ayaan halkaan ka wadnaa, marka waxaasi ma ahan wax macna sameynaya,” ayuu yiri.

Mr Afrax ayaa dhanka kale ka hadlay wafdi uu hogaaminayo Axmed Salaan Aadan oo ah siyaasi kasoo jeeda gobolka Galguduud, kaasi oo wada qorshe uu maamul ugu dhisayo gobolada dhexe.

Waxa uu ku tilmaamay ragaasi sida hogaamiye kooxeedyo oo kale oo doonaya in ay qasaan gobolka sida uu yiri.

“Ragaasi waa wax iyaga u gaar ah oo been ah, caalamka ayey rabaan in ay wax uga cunaan, ninka wafdigaasi hogaaminayana ma matali karo gobolada dhexe waana nin u dhaqmaya sida hogaamiye kooxeed,” ayuu yiri C/fataax Xasan Afrax.

Gobolka Hiiraan ayaa magaalada madaxda waxaa xakuma ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo kaashanaya Itoobiyaan, halka degmooyinka Buula Barde, Jalalaqsi iyo Budda Aqable ay joogaan Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.