Cesc Fabregas oo noqday xidiga 2-aad ee ugu caawinta badan Horyaalka Ingiriiska

Cesc ayaa dhaliyay goolka furitaanka ka hor inta uusan caawin goolkii labaad uu dhaliyay Pedro kulankii ay ku adkaadeen 3-1.

Kubbad qaabeeyaha reer Spain ayaa noqday laacibka labaad ee ugu caawinta badan PL oo wuxuu iminka la siman yahay rugcadaagii hore ee Blues Frank Lampard oo ay wada caawiyeen min 102-gool waxaa ka horreeya oo kaliya Ryan Giggs oo caawiyay 162-gool.

Conte oo ammaan huwiyay Fabregas ayaa yiri:

“Cesc wuxuu dhab ahaantii ciyaaray kulan aad u fiican laakiin muhiim ayay ii tahay aniga inaan heysto xalkan sidoo kalena aan falanqeeyo kulan kasta aana fahmo marka aan u baahanahay ciyaaryahan tayo badan leh.

“Aniga ahaan, waxaan u arkaa Matic, Kante iyo Fabregas sida ciyaartooy heer sare ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here