Ceelasha Biyaha oo laga barakacayo iyo Al Shabaab oo dadka ugu baaqay in dagaalka ay kala qeybgalaan

Barkaci ugu weynaa ayaa saakay ka bilowday deegaanada loo barkacay ee ku yaala inta u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Boqolaal qoysayaa la arkayaa oo ka cararaya xaafadaha ay ka daganaayeen deegaanada Taree Dishe, Carafaat, Macaani, Siinka Dheer, iyo Ceelasha Biyaha.

Qof goob joog ah ayaa sheegay in ay ciidamada wali is hor fadhiyaan dadkuna ka baqayaan duqeymyaha ciidamada AMISOM oo la sheegayo in xalay ay gaareen qeybo ka mid ah Ceelasha.

Sadex ruux ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacantay madaafiic ku habsatay xaafada Jabad-Geelle oo ay ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha.

Baabuurta rakaabka ah ayaa aad u qalai garoobay, waxaana wararku ay sheegayaan in qoyski doonaya inuu ka barakacayo Ceelasha ee soo aadayo Muqdisho laga qaadayo $100 ilaa 130 taasi oo aysan inta badan awoodin rayidka.

Dhanka kalana saraakiisha Al Shabaab ayaa xalay ka hadlay masaajidada Ceelasha Biyaha iyaga oo dadka ugu baaqay in ay dagaalka ku biiraan.

Isku soo wada duuboo sida la saadaalinayo waxaa la filayaa in dadka ku nool deegaanada loo baracakay ay dib ugu soo laaban doonaan magaalada Muqdisho oo ay hada gacanta ku heyso dowlada KMG Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.