Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Xaawa Cabdi oo xaalkoodu qasanyahay

Kadib marki ay ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom shalay qabsadeen degmada Afgooye ayaa saakay waxaa xaalad cabsi iyo colaadi ka taagantahay deegaanada Ceelasha, Xaawa Cabdi iyo Lafoole.

Ciidamada dowlada ayaanan wali galin Ceelasha Biyaha oo ah deegaan aad u weyn oo ay ku noolyihiin dad badan, sidoo kalana laga cabsi qabo in ay difaac uga jiraan dagaalyahanada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay ku wajahanyihiin maanta deeganadaasi oo marki hore ay ka mareen labada dhinac, waxa la leeyahay wadada laamiga ayaa ah halka laga yaabo in ay maraan ciidamada is garabsanaya.

Dhanka kalana waxaa wali jiro dad kasoo barakacaya deegaanadaasi kuwaas oo kusoo laabayana magaalada Muqdisho marki ay ka baqeen duqeymo kaga yimaada ciidamada Amisom.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.