Ceel-Cade: Al-shabaab oo maxaabiis ahaan u qabsatay ciidamo badan oo Kenyan ah

Ciidamada Kenya oo uu jab xun kasoo gaaray weerarki Ceel-cade
Ciidamada Kenya oo uu jab xun kasoo gaaray weerarki Ceel-cade

Ilowareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya, in Al-shabaab ay dagaalkii ka dhacay Ceel-cade maxaabiis ahaan u qabsadeen ciidamo badan oo Kenyaati ah.

Wararku waxay intaas kud arayaan, in Al-shabaab Hub, Gaadiid iyo ciidamada ay nolosha ku qabsadeen ay la aadeen dhinaca Saakoow ee Gobolka Jubada Dhexe, halkaasoo lagu wado ineey kusoo bandhigaan saacadaha soo socda.

Tirada rasmiga ah ee ay Al-shabaab nolosha uga qabteen ciidanka Kenya, ayaa waxaa lagu sheegay ineey tahay ilaa 12 askari oo qaarkood ay dhaawac yihiin.

Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere, oo shalay la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay ineey dileen ilaa 100 kamid ah ciidamada Kenya, islamarkaasina ay gacanta ku dhigeen kuwo nool, Hub iyo Gaadiid dagaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here