CECAFA oo warqad tacsi ah usoo diray xiriirka kubadda cagta Soomaaliya

Golaha bariga iyo bartamaha Afrika ee kubadda cagta ee lo yaqaan (CECAFA)ayaa si aad ah u canbaareeyay dil dhowaan magaalada muqdisho ay kooxo aan lagaraneen ugu geysteen goolhayihi xulka da’doodu kahooseeyso 17-jirada Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabi jiray (Xasan C/qaadir Diiriye).

Madaxa guud ee CECAFA Nicholas Musonye ayaa warqad tacsi ahayd uu maanta usoo diray xiriirkla kubadda cagta soomaaliyeed waxa uu kusheegay in CECAFA ay aad ugu tiiraanyeeysanyihiin dilka goolhayihii 17-jirada Soomaaliya.

“Golaha CECAFA iyagoo ka faa’iideeysanaya fursadaan waxay tacsi udirayaan Soomaalida oo dhan iyo qoyska uu ka geeriyooday laacibkan dhalinta yar ee lagu dilay magaalada Muqdisho” sidaa waxaa yiri madaxa guud ee golaha CECAFA Nicholas Musonye .

CECAFA waxay warqadooda tacsida kaga dalbadeen doowlada KMG in baaris lagu sameeyo danbiilayashi kadanbeeyay dilka laacibkan isla markaasna cadaalada lahorkeeno.

Laacibkan ladilay ayaa waxa uu qayb ka ahaay ciyaar ay xulka somaalida 17-jirada isugu diyaarinayeen ineey laciyaaraan xulka 17-jirada Suudaan 17 iy0 21 bisha soosocota ee sebtember,dilkan aya dhabar jab ku noqnaya ciyaartooyda somaaliyeed iyo qaranka soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here