Cazorla oo Man City ku waaniyay ineey lasoo wareegaan Pellegrini

Ciyaaryahnkii hore ee Malaga balse haatan katirsan naadiga Arsenal Santi Cazorla, ayaa maamulka Man City kula taliyay ineey lasoo wareegaan tababaraha kooxda Malaga Manuel Pellegrini.

Pellegrini, ayaa maalmahaan saxaafadu hadal haysay in lagu badali doono booskii laga eryay Robert Mancini.

Kubad sameeyaha Arsenal Cazorla, ayaa aaminsan in hadii uu Pellegrini yimaado Man city uu la qaadi doono koobab farabadan.

Cazorla ayaa Pellegrini kala soo shaqeeyay laba naadi oo kala duwan, kuwaasoo kala ah Naadiyada Villareal iyo Malaga.

“Waxa kaliya aan Pellegrini ka sheegi karo ayaa ah inuu qayb weyn kasoo qaatay Xirfadeeyda Ciyaareed” ayuu yiri Cazorla.

“Waa taba bare weyn oo kaalin muuqata kasoo qaatay kooxaha Villareal iyo Malaga” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Cazorla.

Laakiin Pellegrini, ayaa xili ciyaareed uu horay usoo leeyliyay naadiga Realmadrid ku fashilmay inuu heer gaarsiiyo, taasoo shaki galisay awoodiisa tababaranimo,laakiin hada Malaga wuxuu ka sameeyay horumar weyn.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here