Caynte oo ka hadlay sababaha ay DF lacago cusub usoo daabacan la’dahay

caynteC/raxmaan Shiikh Cali Yuusuf (Ceynte), Wasiirka Qorsheynta Xukuumada Federaalka Soomaaliya  ayaa ka hadlay sababaha ay dowladiisa u soo daabici weysay lacago cusub oo shilin Soomaali ah iyo duruufaha ka hor taagan arintaas.

Ceynte ayaa sheegay in Soomaaliya lacago cusub oo ay soo daabacato ay ka hor taagan yihiin Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF Bankiga Aduunka.

“Bankiga aduunka iyo heyadda IMF wey diideen inaan lacago cusub soo daabacano, waxayna ka digeen in arintaas xiligan ay sababi karto dhibaatooyin cusub oo dhaqaale iney Somalia lugaha la gasho” ayuu yiri Ceynte.

Wasiir Ceynte ayaa sheegay in haddii Soomaaliya ay daabacdo lacago cusub inuu imanayo isbedel dhanka dhaqaalaha ah iyo sicir barar wax kasta ku yimaada kuwaasoo dhibaato ku ah bulshada.

Waxaa uu sheegay in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uu xilligan ku howlan yahay sameynta lacago cusub oo dalku uu yeesho uuna ku dedaalayo in laga gudbo caqabadaha arintaas hor taagan.

“Afar sano ka hor dowladii Madaxweyne Shariif waxay lacag cusub ku soo daabacday wadanka Sudan, hanti badan oo malaayiin dolar gaareysa ayaa gashay sameynta lacagtasa hase ahaatee caqabado jiro awgood lacagtaasi suuragal ma noqon in Soomaaliya la keeno” ayuu yiri wasiirka oo intaa ku daray in soo daabicida lacagta ay sahlan tahay, balse dhaqa gelinteeda ay tahay halka dhibaatadu ka taagan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here