Cayaaryahan Soomaali ah oo heshiis la gaaray koox Turki ah

Sidda ay qoreen maanta oo Arbaca ah, qaar ka mid ah wargeysyada ka faalooda Cayaaraha ee ka soo baxa dalka Turkiga, waxaa

Liban Abdi oo u ku biiray Rizespor
Liban Abdi oo u ku biiray Rizespor

boggagooda koowaad ku qornaa cayaaryahan u dhashay dalka Soomaaliya, oo ku biiray mid ka mid ah kooxaha ka cayaara horiyaalka Turkiga ee Turkey Süper Lig.

Cayaaryahankan oo lagu magacaabo Liibaan Cabdi Cali, ayaa heshiis afar sanno la gaaray kooxda Caykur Rizeport, oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka Turkiga.

Kooxda Rizeport ayaa la sheegay in ay ka dhisan tahay, magaalada Rize oo ah magaalada uu ka dhashay ra’iisal wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Sidda ay jaraa’idka qoreen, cayaaryahan Liibaan ayaa heshiiska uu la gaaray kooxdan waxaa si rasmi ah loo saxiixay 13-kii bishan Janaayo, wuxuuna socon doonaa ilaa 30-ka June sannadka 2018-ka haddii wax isbadal ah uusan imaan.

Cayaaryahanka ayaa asal ahaan ku dhashay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Burco sannadkii shantii October sannadkii 1988, balse wuxuu heestaa dhalashada dalka Norway, isagoo horrey uga soo cayaaray horiyaalka dalkaas.

Waxaa soo badanaya cayaaryahanada Soomaalida ee ka cayaara horiyaallada ugu caansan caalamka, waxaa horiyaalka Ingiriiska ka cayaara Cabdisalaan Caddaay, horiyaalka Talyaaniga waxaa ka soo cayaaray Ayuub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here