Cayaartoyda Xulka Soomaaliya oo soo dhaweeyay cayaaryahanka Muslimay

Cayaartoyda Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya, oo hadda ku sugan dalka Kenya, ayaa soo dhaweeyay cayaaryahan reer Kenya ah oo u cayaara kooxda heerka koowaad ee Muqdisho ama Munishiibiyo.

Cayaaryahanka oo lagu magacaabo Maxamed Samson ayaa sheegay Warbaahinta in uu qaatay diinta Islaamka isla markaana uu ku faraxsan yahay in ku islaamo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Cayaartoyda xulka Soomaaliya ayaa sheegay in tallaabadaas ay muujineyso in cayaartoy badan oo u dhashay dalka Kenya ay qaadan doonaan Diinta kuwaasoo u soo wareegi doona dalka Soomaaliya.

Maxamed oo horrey loo oran jiray Marchall ayaa ka mid ah seddax cayaartoy oo u dhashay Kenya kuwaasoo hadda u cayaara naadiga uu la wareegay Maamulka Gobalka Banaadir ee Banaadir SC.

 

Cayaaryah Maxamed Somsom oo ku islaamay Muqdisho
Cayaaryah Maxamed Somsom oo ku islaamay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here