‘Cayaartoyda Barcelona waxa ay u dhimmanayaan Martino’ – Puyol

'Cayaartoyda Barcelona waxa ay u dhimmanayaan Martino' - Puyol
‘Cayaartoyda Barcelona waxa ay u dhimmanayaan Martino’ – Puyol

Difaaca Barcelona, Carles Puyol ayaa difaaca tababbarre Gerardo Martino, isagoona yiri cayaartoyda kooxda waa ay u dhimi karaan “sharraftiis”.

Waxaa soo baxaya warar sheegayaa in tababbarraha kooxda Barca la ceyrin doono haddii uusan ku guuleesa Copa del Rey oo ay maalinta arbacada ee toddobaadkan ay cayaari doonaan fiinalka iyaga iyo Real Madrid.

Kooxda Barca ayaa laga horeeyaa afar dhibcood horyaalka La Liga, waxaana ka horeysa Atletico, oo ka ciribtirtay horyaalka Yurub ee Champions League.

Puyol ayaa muujiyay in kooxda ay waajib ku tahay in ay difaacaan sharrafta kooxda isagoona intaas ku daray 25-cayaartoy ee kooxda ay ka farxin doonaan macallinka reer Argentine.

Ugu dambeyn difaaca ku gaamuray Barca ayaa leh haddii aan ku guul darreesanay horyaalka Yurub waa in ugu yaraan koob aan ku guuleesano xilli cayaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here