Cayaartii Galabta Dhexmareysay Kooxaha Elman&Jowhar Star Oo Guusha ay Raacday Jowhar Star.

kubadAkhristayaasha iyo dhageystayaasha Shabakada wararka midnimo.com sida aan ugu balanqaadnay hordhaca warbixinada waxaan iminka usoo gudbineynaa Natiijadii ay ku soo idlaatay Cayaartii labada kooxood ee kala ah Jowhar Star iyo Naadiga Elman cayaarto ayaa aheyd mid aad u Xamaasadeysneed hase ahaate gari laba qof kama wada qosliso waxaa galabta guusha ay u hoyatay kooxda kubada cagta Ee Jowhar Star.

Cayaarta oo waqtigii loogu talagalay ku soo idlaatay o-o ayaa oo ay isla dhaafi waayen labada koox ayaa waxaa cayaarta loo badalay Gool ku laad ama Rigooro taasi oo kala Saartay Natiijada Cayaartii Xamaasadeeda galabta laga dareemay Guud ahaan Magaalada jowhar waxay guusha raacday Jowhar Star.

Maalin welibaa shabakada Wararka midnimo.com kala soco Natiijada Cayaaraha Cup ka loogu magacdaray Shongole national Cup oo ay kuu soo gudbinayaan Idaacada Asal iyo Midnimo.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here