Cayaaraha Soomaalida Sweden oo la soo gabagabeeyay

Cayaaraha Soomaalida Sweden oo la soo gabagabeeyay
Cayaaraha Soomaalida Sweden oo la soo gabagabeeyay

Magaalada Vastars ee dalka Sweden waxaa lagu soo gabagabeeyay tartanka cayaaraha Soomaalida, oo halkaas maalmahan ka socday, kaasoo ay ka qaybgaleen lix koox oo ah kuwa da’dooda ay ka yer tahay 18-jirada.

Tartanka inta uu socday waxaa dhammaan kooxaha ka qaybgalayay ay soo bandhigeen cayaar aad loo jecleestay, waxaana garoonka lagu cayaarayay soo buux dhaafiyay dadweyn aad u fara badan oo u badan Soomaali.

Cayaartii ugu horreysay waxaa isugu soo haray, Kooxaha Orebro iyo Amal Express, waxaa ay ku kala baxeen 2 iyo 1 oo ay ku adkaatay kooxda Orebro.

Xafladda lagu guddoonsiinayay koobka kooxda Orebro, ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Stockholm iyo bahda Sports, kuwaasoo sheegay in ay aad ugu farax san yihiin qaabka tartanka uu ku socday.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here