Cayaaraha gobalada oo la qabanaayo

 

Cabdulaahi Aabow Xuseen
Cabdulaahi Aabow Xuseen

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa shaaciyay maanta oo Talaado ah, in dhawaan magaalada Muqdisho lagu qaban doono cayaaraha kubadda cagta ee gobalada.

Guddoomiye ku-xigeenka xiriirka kubadda cagta ahna qaban qaabiyaha cayaaraha gobalada, Cabdulaahi Awow Xuseen ayaa saxaafadda u sheegay in dhawaan magaalada uu dhawaan ka furmi doono cayaaraha gobalada.

Waa markii ugu horreysay haddii ay suurta gasho arrintan in dib loo soo celiyo cayaarihii kubadda cagta ee gobalada.

Wuxuu sheegay in 15 gobal ayaa ka qaybgali doona ayuu yiri cayaaraha gobalada dalka Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu sheegay in tartanka lagu qaban doono garoonka Koonis ee degmada Cabdicasiis, kaasoo dhawaan la dhigay cowska macmalka ah.

Soomaaliya cayaaraha gobalada waxa ay ka mid ahayd wax yaabaha ugu caansan dalka, waxaana laga soo xuli jiray inta badan cayaartoyda xulka qaranka gobalada, balse hadda arrintaas ma jirrto.

Akhriste siddee u aragtaa in dib loo soo celiyo cayaarihii gobalada ee dalka, noo soo qor aragtidaada?

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here