Cassano oo guul muhiim ah u horseeday AC Milan

Kooxda AC Milan ayaa galabta soo hooysay guul weyn kadib marki ay 4-1 ku qaarijisay Siena, iyadoo ciyaartaasina uu kaalin weyn ku lahaa laacibka dhawaan jirrada kasoo kacay ee Atonio Cassano.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Artemio Franchi ee kooxda Siena ayaa waxaa bandhiga goolasha daah furay Antonio Cassano, isaga oo dhiibay laba gool oo ay kala dhaliyeen Zlatan Ibrahimovic iyo Antonio Nocerino, iyadoo Ibra uu dhaliyey laba gool.

Wuxuu ahaa goolki Cassano kii ugu horeeyey ee uu dhaliyo tan iyo marki uu kasoo kabsaday qaliin wadnaha loogaga sameeyey bishii October ee sanadki hore, waxaana aad u amaanay tababaraha kooxda oo maanta ka dhigay ciyaartooyda safka hore lagu soo bilaabay maadaama kulamadi lasoo dhaafay uu keyd ahaa.

Milan waxa ay haatan sadex dhibcood ka hooseysaa kooxda Juventus oo iyaduna 4-0 kaga badisay naadiga Novara.

Ciyaaraha kalana waxay kooxaha isu arkeen sidan: –

Cagliari 0 – 0 Chievo
Palermo  1 – 1 Catania
Roma 2 – 2 Napoli
Bologna  3 – 2 Genoa
Atalanta 2 – 0 Fiorentina
FC Internazionale 2 – 1 Cesena
Lecce 1 – 2  Parma

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.