Casillas oo xiiso u qaba in uu ku biiro Manchester City xagaagga soo socda

326725_herol

Goolhayaha kooxda Real Madrid, Iker Casillas ayaa ku rajo weyn in uu ka tago kooxda xagaagga soo socda sida ay shaaciyeen warbaainta Spanish-ka maanta oo Salaaso ah.

Wargeyska wax ku qora afka Spanish-ka ayaa sheegay AS ayaa qoray in cayaaryahanka uu ku socda dalka Ingriiska kooxda Manchester City.

Sida uu lee yahay Wargeyska arrintan ayaa la ogaaday, markii ay kulmeen Axadii la soo dhaafay, madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez  iyo mulkiilaha Manchester City, Sheikh Mansour, wax yaabaha ay ka hadleen waxaa ka mid ah mustaqbalka Casillas.

Bilyuneerka Bariga dhexe u dhashay ayaa u sheegay Perez in ay xiiseenayaan la soo saxiixitaanka goolhaye Casillas.

Idaacadda Onda Cero Radio Station ayaa sidoo kale xaqiisay warkan cusub iyadoona baahisan Casillas in uu ku faraxsan yahay in uu ku biiro Manchester City xagaagga soo scoda, haddii xaaladda uu kula sugan yahay Real Madrid ay u saamixi weyso fursad.

Goolhayaha kooxda Real Madrid ayaa ka walwalsan in uu lumiyo booska uu ku jirro oo ah in uu yahay goolhayaha ugu wanaagsan adduunka, maxaa yeelay dooqa koobaad ayuu ka dhigay tababbarii horre Jose Mourinho, sannadkan, sidoo kale waxaa wadaddaas raacay oo dooqa labaad ka dhigay Carlo Ancelotti..

Casillas ayaa cayaaray horiyaalka kooxaha Yurub Champions League iyo Copa del Rey, iyadoo Diego Lopez uu hadda yahay cayaaryahanka u cayaara Real Madrid horiyaalka Spain La Liga.

Casillas ayaa u doonaya horiyaalka Ingiriiska ee Premier League isagoona tan 22-jikiisii ku soo qaatay kooxda Real Madrid, waxa ay wararka lee yihiin wuxuu doonaya in uu u wareego Manchester xagaagga soo socda.

Wa 32-jir, wuxuu waayihiisa xirfada ku soo qaatay lamka koowaad mana noqon keyd.

Tababbarre Manuel Pellegrini, ayaa macalin u soo noqday Casillas hal xilli cayaareed intii uu joogay dalka  Spain.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here