Casillas oo war been abuur ah ku tilmaamay in uu Real ka tagayo

Gool hayaha kooxda Real Madrid,  Iker Casillas ayaa beeniyay in uu go’aan ku gaaray ka tigi taanka kooxda uu macalinka u yahay Jose Mourinho.

Xidigga reer Spain ayaa noqday gool hayaha labaad, waxaana booska koobaad ka xirtay gool hayihii hore Sevilla, Diego Lopez iyo sannadkan 2013.

Ciyaaryahanka ayaa waxaa ciyaaarihiisa la dhacay dhaawacyo tan iyo markii uu dib uga soo kacay bishii January.

Casillas ayaa sheegay in uu ku dhexjiri doono kubadda ilaa 31-sanno marka uu gaaro.

“Mustaqbalkeyga waa Real Madrid maxaa yeelay halkan waxan joogay annigoo sagaal jir ah inta badan nolasheeda ayaan ku soo qaatay waana ku faraxsanahay,” ayuu sheegay mar la weydiiyay

Xidiggan ayaa la sheegay in kooxaha u socdo ay ka mid tahay kooxda Man City ee dalka Ingiriiska.

Si kastaba, Casillas ayaa mustaqbalkiisa wuxuu ku xiran yahay Mourinho in uu ka tago  Real, si uu ugu biiro kooxda Chelsea.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here