Casillas: Madrid waxay weyn doontaa Ronaldo

 

Casillas: Madrid waxay weyn doontaa Ronaldo
Casillas: Madrid waxay weyn doontaa Ronaldo

Goolhayaha kooxda Real Madrid, Iker Casillas ayaa sheegay inuu ka walwalsan yahay dhaawaca soo gaaray xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo, kaasoo la sheegay in uu ka maqnaan doono cayaaro muhiim ah.

Cayaaryahankii horre ee Manchester United oo hadda ah 29-jir ayaa ka dhaawacmay anqowga kaddib markii laga saaray intii ay socotay cayaartii Salaasadii la soo dhaafay ay 2-0 ku xasuuqeen kooxda Jermalka ee Borussia Dortmund horyaalka Yurub ee Champions League.

Cayaaryahanka ayaa sidoo kale la sheegay in uu seegi doono kulanka Almeria, waxaana laga yaabaa in uu ka maqnaado cayaarta Fiinaalka ee Copa del Rey oo ay la cayaari doonaan Barcelona Arbacada soo socota.

Cayaaryahanka reer Spain ayaa u rajeeyay in cayaaryahanka uu si degdeg ah u soo kabsada.

“Waxaan weynay cayaaryahan weyn, waxaana laga yaabaa cayaarta fiinalka ee Copa del Rey,” siddaas Casillas ayaa u sheegay website-ka kooxda.

Ugu dambeyn goolhaye Casillas ayaa dareenkiisa ku muujiyay in Ronaldo uu ka maqnaado cayaarta Champions League ee semi-final, los Blancos ayaa isku soo beegantay horyaalka Yurub kooxda Bayern Munich.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here