Caruur ku dhimatay qaraxyo xalay lagu weeraray Shaneemo ku taala Muqdisho

 Afar ruux oo sadex ka mid ahi ahaayeen caruur ayaa ku dhimatay sideed kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki ay Al Shabaab bambooyin ku weerareen Shaneemo ku taala agagaarka Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in sadex babmbo gacmeed mar qura lagu dhiftay Shaneemada oo ay xilligaasi daawanayeen dad u badnaan caruur, waxaa sidoo kale ku dhaawacantay sadeex ruux oo 7 ka mid ahi ahaayeen caruur.

Dadka dhaawacmay ayaa la dhigay isbiraalka Banaadir, waxaana dhaqaatiirta ay ku waramayaan in qaar ka mid ah xaalada dhaawacyada ay tahay qatar.

Saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo ka hadlay Radio Andalus ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen shaleemo ku taala agagaarka isgoyska Tarabuunka ay ku dilen askar ka tirsan ciidanka dowlada.

Dhanka kalana sadex nin ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay Suuqa Bakaaraha, Degmada Wadajir, iyo xaafada Suuqa Xoolaha kuwaasi oo laba ka mid ahi lagu eedeynayo dilkooda Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.