Caruur ku dhimatay miino ay ku ciyaarayeen gobolka Bay

Ugu yaraan lix caruur ah ayaa ku dhimatay laba kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki ay la qaraxday miino ay ku ciyaarayeen deegaanka Kobakbo oo ka tirsan magaalada Baydhabo.

Sida ay wararku sheegayaan qaraxa ayaa ka danbeeyey ka gadaal marki ay caruur ka timid madarasho qur,aan ay heleen miino kadibna ay bilaabeen in ay ku ciyaaraan isla markaana garaacaan taasi oo sababtay in ay qaraxdo.

Dadka u gurmaday caruurta ayaa sheegay in isla goobta ay ku geeriyoodeen afar caruur ah, halka labada kalana ay dhinteen inti loo sii waday isbitaalka magaalada Gaalkacyo.

Labada dhaawaca ah ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka Baydhabo balse waxaa laga deyrinayaa xaaladooda caafimaad.

Miinooyinka ayaa ku badan deegaanada lagu dagaalamo waxaana inta badan taasi ay sababtaa in dadka iyo xoolaha ay waxyeelo kasoo gaarto aaladaha qarxa ee looga tago halkaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here