Carlos Tevez oo raali geliyey maamulka iyo taageerayaasha Man City

Weeraryahanka dalka Argentina Carlos Tevez  ayaa ugu danbeyntii raali gelin ka bixiyey dagaalki dhexmaray isaga iyo kooxdiisa dhowrki bilood ee lasoo dhaafay.

Xidigaan ayey si weyn isugu kaceen macalinka naadiga Roberto Manicini kadib marki uu bishi September diiday inuu badal ku galo kulan ay la ciyaareen Bayrn Munich.

28 jirkaan ayaa kusoo laabtay kooxda todobaadki lasoo dhaafay kadib sadex bilood oo uu iskiis isugu soo rogay cunaqabeyn is dul dhigay ka gadaal marki uu u dhoofay dalkiisa hooyo ee Argentina.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan raali gelin ka bixiyo waliba si naxriis leh gaar ahaan qof walba oo aan hoos u dhigay iyo kuwa ay ficiladeydu dhibaato ku abuureen,” ayuu yiri Tevez oo maanta soo saaray bayaan.

Teves ayaa ku hungoobay inuu ka tago kooxda bishi Janaayo marki uu furnaa suuqa kala iibsiga marki ay is hortaagtay kooxda Man City dalabyo uga yimid kooxaha AC Milan iyo PSG.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.