Carlos Tevez oo dib ugu laabtay kooxda Manchester City

Weeraryahanka u dhashay dalka Argentine Carlos Tevez ayaa dib ugu laabtay dalka Ingiriiska si uu ugu biiro kooxdiisa Manchester City oo uu in muda ah gadood uga maqnaa.

28 jirkaan ayaa la kulmay dhaqtarka kooxda oo ku baaray xerada tababarka si uu u hubiyo xaaladiisa caafimaad iyo inuu diyaar u yahay inuu tababarka ka qeybqaadan karo.

Tevez iyo qoyskiisa ayaa waxaa kusoo xoomay sawirqaadayaal iyo wariyaal doonayey in ay masawiro iyo wareysiyo ka qaadaan marki uu kasoo dagay garoonka magaalada Manchester isaga oo kasoo amba baxay magaalada Buenos Aires.

Weeraryahanka ayaanan ciyaarin tan iyo marki ay isku dhaceen tababare Roberto Mancini oo ku eedeeyey inuu diiday inuu is kululeeyo si uu badal ugu galo ciyaarti Bayern Munich ay la qaateen 27 September.

Tevez ayaa maanta dib ugu laabtay garoonka tababarka City ee Carrington laakin uma safri doono dalka Portugal oo ay kooxdiisa uga qeybgaleyso tartanka Europa League halkaas oo ay marti ugu tahay kooxda FC Porto.

Daafaca kooxda Manchester City Joleon Lescott ayaa bogiisa Twitter ku yiri : “Dhamaan ciyaartooyda waxay ku faraxsanyihiin soo laabashada Carlos, Kolo [Toure] iyo Yaya [Toure] si ay nooga caawiyaan hadafkeena.”

Tevez wuxuu ka maqnaa magaalada Manchester tan iyo 7-di November markaas oo uu u duulay dalkiisa hooyo isaga oo aanan fasax ka helin kooxda.

City ayaa ku ganaaxday Tevez lacag dhan £1.2m iyada oo ku ciqaabeysay madax adeegiisa iyo marar diidada uu sameeyey, mana qaadan mushaarkiisa todobaadlaha ahaa oo gaarayey £200,000-asbuuciiba tan iyo marki uu baxay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.