Carlo Ancelotti oo saacadaha soo aadan gudahood loo magacaabi doono tababaraha kooxda Paris Saint-Germain

Kooxda Paris St Germain ayaa la rajeynayaa in ay ku dhawaaqdo caawa fiidki macalinkeeda cusub oo noqon doono tababarihi hore ee kooxaha AC milan iyo Chelsea Carlo Ancelotti.

Ancelotti oo ah 52 jir u dhashay dalka Talyaaniga ayaa gaaray magaalada Paris todobaadkaan, waxaana maanta soo sawiray wargeyska Le Parisien.

Intaasi kadib ayaa waxaa bayaan soo saartay kooxda oo sheegtay in saacadaha soo aadan shir jaraa’id ku qaban doonaan xarunteeda Parc des Princes si ay ugu dhawaaqdo in Ancelotti uu yahay tababarahooda cusub.

Ancelotti ayaa badali doona tababaraha kooxda PSG Antoine Kombouare, kaasi oo kooxda u horseeday in ay hada hogaanka u qabato horyaalka dalka France ee French league.

Kooxdan ayaa la rajeynayaa in ay ki biiraan ciyaartooy caan ah sida David Beckham, Alexander Pato iyo xidigo kale.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.