Caqabadaha ku gudban Cadaalada, oo maanta looga hadlayo shirka dib u habeynta Garsoorka

Shirka dib u habeynta Garsoorka dalka Soomaaliya, oo maanta galaya maalintiisa 2-aad, ayaa la filayaa in maanta looga doodo qodobo ay kamid yihiin Caqabadaha ku hor gudban Cadaalada Soomaaliya, iyo fahmida waxyaabaha ay ku saleysanyihiin Caqabadahaas.

Waxaa shirka maanta ka qayb galaya Khuburo farabadan oo aqoon u leh arimaha Garsoorka, waxaana laguw adaa ineey dhexmarto dood wadaag, waxaana la filayaa in doodaas ay kasoo baxdo waxyaabo badan oo ku aadan Garsoorka Soomaaliya.

Xubnaha dooda ka qayb galaya waxaa kamid ah, Xafiiska Xeer Ilaalinta qaranka, sidoo kale waxaa kamid ah xubno matalaya Abuukaatayaasha dalka uu kamid yahay “C/kariin Gordan”, iyo Ergada ka socota dowlad goboleedka Puntland, waxaa sidoo kale shirka qayb ka noqonaya aragtida Ururada bulshada rayidka.

Qodobka kale ee maanta shirka looga hadli doono, waxaa kamid ah dhowr Gudi howleedyo oo la samaynayo, waxaana loo qaban doonaa doodo farabadan kuwaas oo u ogolaanaya dadka afkaartooda kala duwan in ay wadaagaan, dareenkooda iyo himilooyinkooda.

Gudiyadaan ayaa diirada saari doonaan, dhisida hay’adaha Cadaalada, tababarka, aqoonta iyo Kobcinta karti shaqadedka howl-wadeenada Garsoorka, iyo Kaalinta ciidamada Asluubta, booliska, iyo dib u eegista qodoboda Garsoorka, ee dastuurka ku qoran.

Sidoo kale gelinka danbe ee maanta ayaa shirka waxa uu noqon doonaa dood wadaag ku aadan dastuurka qaranka qaab dhismeedkiisa, iyo fulintiisa, waxaana laga doodi doonaa masuuliyada doowlada kaga aadan nidaamka, Cadaalada, iyo sidoo kale Garsoorka dhisida maxkamad federaali ah, doodana waxaa ka qayb gali doona gudoomiyaha baarlamanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, oo kaalinta baarlamaanka ku hadli doona.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here