Canug yar oo gaajo ugu geeriyooday xero ku taala magaalada Muqdisho

Horjoogaha xero barkac oo ku yaala xaafada Siliga Ameerikaanka ee degmada Dharkeenleey ayaa sheegay in wiil yar uu todobaadkaan gaajo ugu geeriyooday halkaasi.

Wiilka dhintay oo ah 3 jir ayaa la xaqiijiyey in ay soo ridatay nafaqo dari ka dhalatay gaajo kadib marki qoyskiisa ay u waayeen wax ay ku quudiyaan.

Maxamuud Sheekh Xasan oo ah horjoogaha xerada Barakaca ee Siligi hore ee Ameerikaanka ayaa sheegay in ay u gudbiyeen dhibaatada ka jirto xeradaan Hey’ada Masiibooyinka Qaranka ayna ka codsadeen in ay gargaaraan.

Waxa uu ku eedeeyey hey’adaha gargaarka in aysan soo eegin dhibaatada ka jirto xeryaha ku yaala xaafada Siliga oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee gudaha magaalada Muqdisho.

Arintaan ayaa waxay kusoo beegmeysaa xilli shalay uu ka digay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon in tobnaan kun oo Soomaali ah ay u dhintaan gaajo natiijo ka dhalatay macluusha iyo abaaraha ku dhiftay sanadki hore oo meelaha qaar wali laga dareemayo.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.