Cantona oo raba inuu noqdo madaxweynaha dalka France

Xidigi hore ee kooxda Manchester United Eric Cantona ayaa shaaciyey inuu rabo inuu noqdo madaxweynaha xiga ee dalka France doorashooyinka la filayo in dalkaasi ay ka dhacaan.

Cantona oo ah 45-jir jir ayaa rajeynaya in uu u tartamo doorashada oo sanadkaan ka dhaceyso Faransiiska, isaga oo hada qal qaalo ugu jira ugu yaraan 500 oo saxiix.

Waxa uu u baahanyahay inuu ku helo ilaa dhamaadka February waxaana uu hada u diray warqado dhamaan meeyarada magaalooyinka dalka Faransiiska si uu u weydiisto taageero.

Warqadaasi wuxuu kaga soo horjeestay in la xadido fursadaha dhalinyarada dalka Faransiiska oo uu sheegay in ay xaq u leeyihiin in ay ka taliyaan masiirka dalkooda.

Qoraalkiisa oo lagu daabacay wargeyska Liberation, ayaa lagu yiri: “Tani waxay igu kalifeysaa in aan hadlo waliba ka badan kuwa kale inta ay kasbadeen inkastoo aan doonayo inaan qaato mas,uuliyadeyda, marka xilli dalkeena uu wajahayo xaalad adag ayey muhiim tahay inaan sheegno in aan go,aan kala bax ah ka qaadano mustaqbalkeena,”.

Waxa kale oo uu sharaxay cadaal darada lasoo gudboonaata dhalinyarada Faransiiska oo u badan buu yiri qalalaasaha iyo nidaamyada kala duwan ee lagu wareeriyo.

Murashaxiinta hela saxiixyada loo baahanyahay ayaa u tartami doona wareega koowaad dhamaadka bisha April, iyadoo labada musharax ee ugu cod badisa ay isugu soo hari doonaan wareega labaad bisha May.
Tan iyo marki uu ka fariistay ciyaaraha kubada cakta kubada cakta Cantona waxa uu ahaa jilaa ka qeyb qaatay dhowr filim oo Faransiis ah, waxaana ugu caansanaa filamada Palme D’or.

Waxa uu ka mid yahay laacibiinti ugu fiicneyd ee soo martay  Manchester United isaga oo u dhaliyey 64 goals 144 kulan oo uu saftay, waxa uu ka caaiyey horyaalki ugu horeeyey ee horyaalka Premier League-ga Ingiriiska oo ay qaadeen sanadki 1993.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.