Canada oo sharciga kala laabatay Gabar Soomaaliyeed oo diinta ka baxday

ubaxUbax Mohamed Abshir oo ku magac dheer Ubax Gaafow waa gabadh somaliyeed oo degan wadanka Canada oo maanta xabsiga loo taxaabay lagalana noqday dhalashadii wadanka Canada,

Ubax ayaa waxaa soo korsaday Taliyaha Sirdoonka Soomaaliyeed General Gaafow, waxayna markay iska dhiibtay dalka Canada ku dacwootay inuu General gaafow aanu dhalin oo uu afduub ku haystay

Ubax oo iyadu ka baxday diinta islaamka ayaa waxaa qabay nin hore u qabi jiray Ayaan Xirsi Magan oo si aad ah loo wada yaqaan  ahna gabadhii af lagaadeeysay Nabi Mohamed NNKHA.

Ubax oo iyadu nafta u keentay somalida Dagan dalka Canada iyadoo masaajidada dacwaysay kuna andacoonasay in la doonayo in la dilo laguna cunsuriyeynayo diinta islaamka ee ay ka baxday ayaa somalida Dagan dalka Canada waxay dowlada Canada u sheegeen inay ka been sheegtay siday isku dhiibtay ee ay sharciga ku qaadatay iyadoo markii la soo baadhay la ogaaday in reerkoodu degan yihiin puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here