Canada oo dib u furaneysa Safaaradeeda Muqdisho

Ottawa:Doowlada Canada ayaa shalay ku dhawaaqday ineey dib usoo celineyso xiriirkii diblomaasi ay la lahayd Soomaaliya, kadib 22 sano oo xiriirkaas maqnaay Soomaaliyana ay ka jireen dagaalo sokeeye.

Wasiirka Arimaha dibada Canada John Bair

Kulan ay shalay wada qaateen wasiirka arimaha dibada Canada John Baird iyo Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya Mahiga, ayaa lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Canada.

Bayaanka kasoo baxay doowlada Canada, waxaa lagu sheegay in Devid Angel, oo ahaa safiirka sida KMG ah ugu fadhiyay dalka Kenya in hada si rasmi ah loogu soo rari doono Muqdisho.

Xiriirka Diblomaasi ee Soomaaliya iyo Canada, ayaa go’ay sanadkii 1990, markaasoo ay bur burtay doowladii dhexe ee Milatariga.

Wasiisrka Arimaha dibada Canada Baird iyo Mahiga, ayaa ka dooday horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay, gaar ahaan sanadkii lasoo dhaafay markaasoo uu dalka Yeeshay doowlad rasmi ah lagana baxay xiligii KMG.

Tallaabada ay qaaday Canada, ayaa kusoo aadeysa bil kadib markaasoo Britain ay safaaradeeda si rasmi ah uga furtay magaalada Muqdisho, UK ayaa diblomaasiyiinteeda ka dal dalatay Soomaaliya 1990-kii.

Britain, ayaa sidoo kale Isbuucii lasoo dhaafay shir weyn Soomaalida ugu qabatay London, kaasoo xooga lagu saarayay taageerada doowlada Soomaaliya, waxaana shirkaas si wadajir ah ugudoominayay Ra’iisul wasaare Cameron iyo madaxweyne Xasan Shiikh, sidoo kale waxaa kulankaas kasoo qayb galay in kabadan 50doowladood, iyo hay’ado Caalami ah, waxaana doowlada Soomaaliya loogu deeqay lacag kabadan 200 bilyan oo doolar.

Wadanka Canada waxa hada ku nool Soomaali lagu qiyaasay 170, 000, kuwaasoo badanaa ka qaxay dagaalada iyo dhibaatada Soomaaliya kajirtay 22kii sano ee lasoo dhaafay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here