Canaan Qaran Nin Uqalmaa Qaata….(Faalo)

Doowladnimo dhab ah kadib, waxaan fileeynay in amaanka iyo kala danbeynta si deg deg ah wax looga qabanayo, waxayse noqotay hungo maran, oo wali dilkii iyo qaraxyadii ayaa sidooda isaga socda.

Anigu malihi maxaa wax loo dilay iyo maxaa wax loo qarxiyay oo taas dunida oo dhan beey ka dhacdaa, laakiin waxaan leeyahay suurtgal maaha in mar waliba la yiraahdo “Koox hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn baa falkaas sameeyay, iyo gacan ku dhiiglihii dilka geystay wuu baxsaday” taas waa waxaan shacabka u cuntameyn.

Waxan ka xumahay in tuugada iyo wax magaratada ay dharaar iyo habeen si waxashnimo ah ugu gafaan sumcadii, karaamadii, iyo magacii asluubeed ee ay Ciidamadu lahaayeen, waxay si sharci daro ah u adeegsadan dharka ciidanka, iyagoona isbaaro ku dhigta, dumarka ku kufsada, maalin cadna dadka ku dhaca, taasoo qalqal iyo argagaxba ku ah amniga guud, sidaasi darted su’aasha wasaarada Gaashaandhiga la weydiin karayo waxay tahay.

Hadii aan tuugada iyo dibjirada laga ilaalin Karin in ay helaan dharka Ciidanka, side looga ilaalinayaa hubka iyo saanada cusub ee ay haatan doowlada deeq ahanta u heleyso?

Xasilinta amniga mid fadhida maaha oo wali laleemo ayaa kujirta, maxaa yeelay wasaarada arimaha gudaha , oo ay ahayd in howshaas ay culeys weyn saarto waxay waqti ku lumis howlqabad ay lahayd wasaarada arimaha dibada, taasina waxay dhalisay habacsanaan iyo kala daadsanaan ka dhex muuqata laamaha amniga iyo garsoorka, waxaana loo baahnaa in hay’adaha feejignaanta ka luntay lala yeesho la xisaabtan dhab ah, oo aan nin jecleysi lahayn, si loo hormariyo amaanka guud.

Waxaa iga yaabiyay iyadoo lagu jiro xili amni xumo, is qarxinta iyo dhimashadana ay ummada joogto u tahay, ayay Xilibaanada Soomaaliyeed ka doodayaan “Xasaanad iyo aniga waa leey baaraa ee maxaa leey baaray” halkii laga rabay ineey noqdaan tusaalaha koowaad ee ay dadku raacaan.

Hadaba caqliga damiirka lahoow bal arinkaas miisaan saar, xitaa hadii uu sax yahay qodobka dastuuriga ah ee ay ku doodayaan waxaa haboon in xiligaan ay u laalaan amniga dartiis, waayo is bad baadinta wax walibo weey ka horeeysaa.

Xilibaan xurmo iyo maamuus baad leedahay, laakiin waqtigaan waxaa laguu baarayaa waa amnigada dartiis , tan kale hadii laguu yeelo taada oo barista lagaa daayo soo macquul maahan in xilibaan idinka mid ah uu Biskoolad soo qaato dilna uu ku geysto, sidoo kale soo ma dhici karto in Xilibaan idinka mid ah uu qaato afkaarta Al-shabaab dabadeedna uu isku qarxiyo madaxda doowlada, halkasna soo qaran jab kama dhalanayo?

Diyaariyaha maqaalkaan ayaa qaybtaan is weeydiinaya Al-shabaab:

Ajanabigii Al-shabaab intooda badan dalka weey isaga baxeen, laakiin ma lays weydiiyay kuwii Soomaalida iyo hubkooda halkii ay ku danbeeyeen, kaama foga waa dariskaaga, waa saaxiibadaa iyo walaalahaa, oo aadan adigu ogeyn goorta ay ku dilayaan, sidoo kale waxay saameyn iyo dhaqdhaqaaq xoogan ku leeyihiin hay’adaha doowlada maxaa yeelay dilalka iyo qaraxyada dhacaya waxay u qaab egyihiin kuwo habdhacooda la fududeeyay oo loo sahlay qofka is qarxinaya ama dilalka geeysanaya.

Balanqaadyo aan la fulin:

Kadib markii uu madaxweynaha amray in cidii isbaaro dhigata iyo qofkii kufsi geysta dil toogasho ah uu mudanyahay, maxay tahay sababta ay wali usoo noq noqonayaan falalka nuucaas ah, ma hay’adaha nabadsugida iyo booliska ayaan waajibkooda gudan, ma gadood iyo amar diidaa jirta, maxaa loo fulin waayay amarka madaxweynaha, garsoorka iyo cadaalada doorkooda maxay u qaadan la’yihiin, hadiise ay jiraan caqabado hortaagan maxay uga hadli waayeen.

Qarandiidka waa badanyahay, waxayna isugu jiraan nuuc walbo oo halaag ah, sidaa darted waxaan ku talin lahaa in dib u qooransi dhanka amaanka ah lagu sameeyo dhamaanba qab qablayaashii dagaalka oo wali qaarkood ay hubeysanyihiin nabadana carqalad ku yihiin, iyo waliba ganacsatada waaweeyn oo aan doowladnimada diyaar u ahayn amni daradana qayb ka ah, si aysan u bixin canshuurta qaranka.

Intaas aan soo sheegay si xog dhab ah looga helo loogana hortago dibin daabayadooda qarsoon, ha loo adeegsado raga Xawaaladaha ka shaqeeya, ardayda, barayaasha iskuulada, culimada diinta, hooyooyinka xaafadaha, gaari gacanleeyda iyo ganacsatayaasha yar yar taasi oo aan filayo ineey wax weyn ka tari lahaayeen xog helida, maxaa yeelay nabad diidka meelahaas ayuu maalinkii ku dhuuntaa habeenkiina kasoo howl tagaa, waxaana ka war keeni kara inta aan kor kusoo sheegnay oo ay macaamil wadaag noqon karaan.

War hooy masuuloow, war hooy Xilibaanoow, war hooy Ciidanka iyo shacabkoow dalka waa dalkina, dadkuna waa dadkiina ee sandareerta iyo laaluush haku dooranina inaad amniga u lumisaan.

“Canaan Qaran Nin Uqalmaa Qaata”

W/Q: Bashiir Cali Xuseen

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

2 COMMENTS

  1. Asc, waxaan aad iyo si qiiro leh u taagyeeraa qooraalkan uu soo qoray Bashiir Cali xuseen uu haldhig ugu dhigay Canaan qaran nin u qalmaa qaata, waa runtaa Bashiir hadalka sida aad u tiri waaye Ummadda soomaaliyeed dad caadaystay Qabyaaladda iyo kuwo ku taajiray Dawlad laanta waddanka ayaa ka dambeeya siiba kuwa qabqablayaasha iyo Ganacsatada aan dooneynin inay dawlad dhalato kama foga iyaga iyo Shabaabka inay gtacansaar leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here