Cameroon oo ku soo biirtay kooxaha Afrika ee u soo baxay Koobka Adduunka

1 Xulka Cameroon ayaa noqday xulkii seddaxaad eee u soo baxa koobka Adduunka, kaasoo ka socda qaaradda Afrika.

Libaaxyada Afrika ayaa ku durduriyay Axadii xulka Tunisia markii ay uga badiyeen afar iyo hal taasoo ka dhigtay Cameroon in isugu geyn labada cayaar ay ku dhammaata (4-1.):

Xulka Cameroon waxaa u saaragaliyay in ay u soo baxaan koobka adduunka Pierre Webo iyo Benjamin Moudandjo oo kala dhaliyay labo gool.

Si kastaba ha ahaatee Waa dalkii seddaxaad oo African ah oo u soo baxa koobka adudunka ee 2014-ka ka dhacaya dalka Brazil.

Afrika waxaa loo baahan yahay ilaa shan waddan kuwaasoo ka qaybgalaya koobka aduunka, waxaana hadda la hubaa Nigeria, Ivory Cost iyo  Cameroon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here